Sahan media Muqdisho: Daawashada fiidiyowga shilka ay ku dhinteen shan gabdhood oo Soomaali ah bishii Juun 2023 ayaa la daawaday intii lagu jiray dhagaysiga bayaannada furitaanka maxkamadda federaalka ee Derrick Thompson.
Fiidiyowgan la daawaday intii lagu guda jiray hadallada furitaanka ee maxkamadeynta darawalka, Derrick Thompson,ayaa la arkayay isagoo ku dhufanaya gaariga gabdhaha oo marayay Lake Street iyo 2nd Avenue Juun 16. Thompson ayaa wajahaya seddex eedeymo federaal ah: 1-haysashada walxaha maanka dooriya iyada oo ujeedadu tahay in lagu qaybiyo kaniiniyaalka fentanyl. 2- haysashada hub aan sharci ahayn, iyo 3-qaadashada hub inta lagu jiro ka ganacsiga daroogada.
Fiidiyowga kaamarada ilaalada ah ee isgoyska ayaa muujinayay Cadillac Escalade oo uu kaxeeyay Thompson iyo gabdhaha Soomaaliyeed oo watay Honda Civic oo xawaare sare ku socotay, oo uu qariyay daruur qiiq ah. waxaa saarnaa Sabiriin Cali, 17; Sahra Geesaade, 20; Salma Cabdiqaadir, 20; Sagal Xirsi, 19; iyo Siham Odhowa, 19; kuwaas oo lagu tilmaamay inay ahaayeen tiirarka beeshooda, ayaa ku dhintay shilkaasi.
Hooyada Sahra, Faadumo Tingle, ayaa sheegtay inay aad u adkeyd in lasii fadhiyo qolka maxkamadda.
Maxkamadeynta federaalka, oo ku bilaabatay xulashada xeerbeegtida Isniinta, kama hadlin dhimashada haweenka, taa beddelkeedana waxay diiradda saartay daroogooyinka iyo hubka laga helay Cadillac Escalade, oo Thompson kireystay. Thompson ayaa ka soo hormuuqday maxkamada isagoo wajahaya eedeymo dil iyo dil gaari.
Sida laga soo xigtay cabashada federaalka, booliisku waxay ka heleen gaariga in ka badan 2,000 kaniiniga fentanyl, 13 MDMA (ecstasy) kaniini, ilaa 35 garaam oo kookayn ah iyo qori gacmeed cabaysan oo ay ku jirto joornaal fidsan gudaha gaariga Thompson.
Xaakimka dagmada Jeffrey Bryan ayaa u sheegay xeerbeegtida in ay maqli doonaan sida shilkan u dhacay inta ay dacwadu socoto, balse shaqadoodu ay tahay kaliya in ay go’aan ka gaaraan saddexda eedeymood ee dowladda dhexe.
Sida ku cad dukumentiyada maxkamada, askari dawladeed ayaa arkay xawaaraha Cadillac Escalade oo si khaldan u kaxaynaya I-35W waqooyiga. Raadaarka ciidamada ayaa muujiyay in gaariga uu ku socday 95 mph meel loogu tala galay 55 mph ah.