Sahan media Muqdisho: Lix qof oo Kenyan ah ayaa lagu dilay degmada Dhoobley ee dalka Soomaaliya, waxaana dilkaasi geystay rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Libooya Cali Manduku.
Mr Manduku ayaa sheegay in lixda ruux ay ka soo jeedaan gobolka Meru ee dalka Kenya, waxaana ay ku dhex gorgortamayeen maacuunta caagaga ah ee magaalada Dhoobley.
“Meydadka waxaa xalay fiidkii la keenay Liboi si loo aqoonsado. Dhoobleey ayey ku ganacsanayeen muddo dheer. “Weli ma garanayno sababta loo dilay,” ayuu Mr Manduku ku yiri taleefoonka.
Mr Manduku ma uusan sharixi karin sida lixda qof ay ku heleen Dhoobley inkastoo uu xiran yahay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Kenya ayaa sanadkii 2011 ku dhawaaqday in ay xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya. In kasta oo ay xidhnayd, haddana dadka deggan labada waddan waxay sii wadeen is-dhexgalka oo ay ka tallaabeen xuduudka iyagoo ku jira heshiisyo ganacsi.