Sahan Media Muqdisho: Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, Selma Malika Haddadi, ayaa sheegtay inay kulan la qaadatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo wakiil ka ah Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.
Qoraal ay ku baahisay barta X ayay ku sheegtay inay Madaxweynaha u gudbisay farriinta Midowga Afrika ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale garab istaagga dadaallada ay Soomaaliya hoggaaminayso ee la xiriira sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.
Selma Malika Haddadi ayaa ammaantay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo tilmaantay in ciidamada Soomaaliyeed ay gaareen horumar muuqda oo dhinaca howlgalada amniga ah.
Waxay sidoo kale soo dhoweysay dadaallada lagu hormarinayo wada-hadal loo dhan yahay ka hor doorashooyinka madaxtinnimada ee soo socda, iyadoo ku sifeysay arrintaas mid muhiim u ah horumarka geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Sida ay sheegtay, kulanka waxaa sidoo kale lagu lafaguray caqabadaha ka taagan maalgelinta howlgalka AUSSOM iyo baahida loo qabo in la helo hannaan waara, la saadaalin karo, isla markaana ay wadaagaan dhammaan dhinacyada ay khusayso.
Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn xaqiijisay in Midowga Afrika uu sii xoojin doono iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, isagoo ka taageeraya hirgelinta Ajendaha 2063, howlgalka AUSSOM iyo diyaar-garowga doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan.


