Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweyey Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda, hormarinta iyo gargaarka bini’aadanimo.
Kulanka Wefdiga Qaramada Midoobay iyo Puntand waxaa ka qaybgalay, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirada arrimaha gudaha, qorsheynta, caafimaadka, kaluumeysiga, arrimaha gargaarka bini’aadanimada iyo wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska.
Kadib markii kulanku soo dhamaaday waxay wada qabteen war saxaafadeed.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kulankan muhiim u ahaa marka la eego marxaladda dalka Soomaliya maraayo, “waxaan ka wada hadalney sidii beesha caalamku si dhaw ula shaqeyn lahayd Puntland kadib go’aankii habeenkii axadda aan ku dhawaaqnay ee aan xiriirka ugu jarney Dowladda Federaalka ayuu yiri Madaxweyne Deni
Mowqifka dhabta ah ee Puntland xalay ayaa xukuumadda dowladda Puntland soo saartey, Waxaan ku dhaqmeynaa dastuurkii 2012, waxaana ka codsaneynaa goloyaasha dowladda federaalka ah in ay ixtiraamaan go’aankayaga ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa ugu horeyn u mahadcelisey Madaxweynaha Puntland, waxaana ay sheegtey in ay tahay markii afaraad ee ay soo booqato Puntand mudadii ay xafiiska UN-ka joogtey
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegtey in ay Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ka wada hadleen barnaamijyada hormarinta iyo kor u qaadida gargaarka bini’aadanimo. “Waxaana aragney barnaamij dowladdu soo diyaarisey oo dhanka hormarinta iyo bini’aadanimada ah, gaar ahaan kalluumeysiga kaas oo muhim ah haddii si wanaagsan looga shaqeeyo maadaama Puntland ay xeeb dheer leedahay ayey tiri Marwo Catriona Laing sidoo kale waxaan ka wada hadalney dhibaatada nafaqo darrada iyo daacuun colooleedka soo cusboonaadey.