HomeWararka MaantaMuuse Xaaji Cabdi Ducaale oo noqday gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

Muuse Xaaji Cabdi Ducaale oo noqday gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

Sahan Media Muqdisho: Sahan Media Muqdisho: Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu doortay Muuse Xaaji Cabdi Ducaale inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha, saacado uun kadib markii Guddoomiyihii hore, Saleebaan Maxamuud Aadan, uu si rasmi ah isaga casilay xilka iyo xubinnimada Golaha Guurtida.

Doorashada ayaa ku dhacday jawi deggen, iyadoo laba mudane oo la tartamayay Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ay tanaasuleen, taas oo sahashay in si aqlabiyad leh loogu doorto guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida, Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa sheegay inuu u arko xilka loo doortay masuuliyad uu shacabka ugu adeegi doono.

“Waxa la ii doortay in aan dadka u adeego. Labadii xildhibaan ee saaxiibbaday ahaa ee ila tartamayay labadooduba way tanaasuleen, wayna ku mahadsan yihiin,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse.

Mid ka mid ah musharrixiintii tanaasulay ayaa sheegay in doorashadu u dhacday si hufan oo nabad ah, isagoo ugu baaqay shacabka Somaliland inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub iyo Golaha Guurtida.

“Doorashadu si wanaagsan ayay u dhacday. Waa naga wada taagan guddoomiyahayaga cusub. Haddii la odhan jiray way is qabqabsanayaan, maanta taas ma jirto. Isagu waa guddoomiyahayagii, waxaanan shacabka Somaliland ka codsanayaa inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub iyo golahaba,” ayuu yiri

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments