HomeWararka MaantaOromada oo weerar ku qaaday magaalada Mulli ee deegaanka Soomaalida

Oromada oo weerar ku qaaday magaalada Mulli ee deegaanka Soomaalida

Sahan Media Muqdisho: Wararka ka imanaya deegaanka Mulli ee degmada Ma’ayso ee gobolka Sitti ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu shalay ka dhacay magaalada, kaddib markii ciidamo Oromo ah ay weerar ku qaadeen deegaanka.

Sida ay sheegayaan wararka maxalliga ah, kooxaha weerarka soo qaaday ayaa magaalada uga soo galay dhowr jiho, waxaana la sheegay inay gudaha u galeen qeybo ka mid ah Mulli.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof oo rayid Soomaali ah lagu dilay gudaha magaalada, halka ilo kale ay tilmaamayaan in tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ka badan tahay 16 qof.

Mulli ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahaysay xiisado la xiriira isku dhacyada ka jira xuduudaha u dhexeeya deegaannada Soomaalida iyo Oromada. 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda juqraafiyeed ee magaalada ay adkeyneyso in dadka dhaawacmay loo daadgureeyo goobaha caafimaadka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in isbitaalka Biki, oo qiyaastii 35 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan Mulli, aan si fudud loo gaari karin, halka xiisadaha ka jira waddada Afdem ay sii adkeeyeen gaarsiinta adeegyada caafimaadka.

Xarunta caafimaadka ee magaalada Mulli ayaa la sheegay inay leedahay awood xaddidan oo aysan awoodin inay daaweyso dhaawacyada halista ah.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerarka, hase yeeshee wararka maxalliga ah ayaa sheegaya in aysan weli magaalada soo gaarin gurmad ka yimid maamulka dowlad-deegaanka Soomaalida ama maamulka gobolka Sitti.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay xaaladdoodu aad u liidato, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in qaar ka mid ah kuwii dhaawacyada qabay ay geeriyoodeen kaddib markii ay waayeen fursad ay ku gaaraan goobaha caafimaadka.

Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka la xiriira weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments