Google search engine
HomeWararka MaantaQarax lala eegtay ciidamada Atmis oo ku socdaalayay wadada Baraawe

Qarax lala eegtay ciidamada Atmis oo ku socdaalayay wadada Baraawe

Sahan media Muqdisho: Sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya ayaa la dilay lix askari oo kalena waa lagu dhaawacay kadib markii kolonyadooda ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa sheegay in laba askari ay ku dhinteen ciidamo kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miino kuwa la hago ah oo lala beegsaday kolonyo iskugu jirtay ciidamada Uganda iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo marayey jidka isku xira Muqdisho-Buufo-Baraawe,

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 5,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Major Patrick Opio Away ayaa lagu dilay qarax ka dhacay tuulada Ceel-Werigow oo qiyaastii 70km koonfur galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho maalintii Axadda, sida uu sheegay Ibraahim Kasule Sekitto oo ah afhayeenka ciidamada Uganda.

Opio ayaa kolonyada la socday oo ka ambabaxay Muqdisho kuna sii jeeday deegaanka Ceeljaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu Sekitto u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Weerarkan nagama celin doono, taa beddelkeeda wuxuu adkeyn doonaa go’aankeenna ah inaan sii wadno taageerada dadaallada nabadeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments