Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan la shaacin ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Madaxweyne Xasan waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey dhigiisa Eritrea Asaias Afwerki.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu ku sheegay in labada madaxweyne ay caawa fiidka yeelanayaan shir ay uga wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo danaha ka dhaxeeya.
Waa safarkii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii ay billaabatay xiisadda u dhaxeysa Ethiopia iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiskiii is-afgarad ee muranka dhaliyay ee Ethiopia la saxiixatay Somaliland, heshiiskaasi oo si weyn ay uga hortimid dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Eritrea Afwerki ayaa leh cilaaqaad xooggan, waxaana Eritrea ay Soomaaliya u muujisay taaggeero xooggan oo ku aadan khilaafka kala dhaxeeya Ethiopia.