Google search engine
HomeWararka MaantaWaa kuma Jacfar Badru?

Waa kuma Jacfar Badru?

Sahan media Muqdisho: Dowladda Itoobiya ayaa u aqoonsatay khatar ka dhan ah Amnigooda Qaranka cid kasta oo ka hortimaada doonistooda marin biyoodka badda cas.

Agaasimaha fulinta ee machadka arrimaha dibadda Itoobiya, Jacfar Bedru ayaa sheegay in ay khatar ka dhan ah Amnigooda Qaranka u arkaan cid kasta oo diiddan in Itoobiya hesho marin badeedka badda cas.

Agaasime Jacfar Bedru ayaa intaasi ku daraya in dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya uu ku tiirsan yahay 100% badda cas,isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “Itoobiya waxay qayb ka tahay Badda Cas, waxayna si istiraatijiyadeed ku tiirsan tahay marinkan muhiimka ah ee ganacsiga adduunka.”

Itoobiya ayaa doonaysa in ay marin badeed iyo saldhig ciidan ka hesho badda cas, kaddib heshiis ay la gashay Somaliland , bishii koowaad ee sannadkan , kaasi oo ay dowladda Soomaaliya ka soo horjeesatay walina aan dhaqangelin.

Is-afgaradka badda labada dhinac ee Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxa si adag u diidday dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay duullaan ka dhan ah Qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Turkiga oo bilaabay dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinac ku wada-hadal siiyay magaalada Ankara inkastoo Kulankaasi natiijo la’aan ku dhammaaday balse mid kale lagu ballamay bisha September ee sannadkan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments