Sahan media Muqdisho: Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay meel u dhow xeebaha dalka Yemen.
Shirkadda amniga badda ee Ambrey ayaa ka warbixinaysa “qarax” meel u dhow markab xamuul ah oo uu ka babanaayo calanka Barbados, oo uu Maraykanku leeyahay, kana sii gudbaya koonfur-galbeed ee magaalada dekedda ah ee Cadan.
“Markab u dhow ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay meel u dhow markabka Barbados ah oo uu ka babanaayo calanka,” ayuu yidhi Ambrey, isagoo uga digaya maraakiibta kale inay ka fogaadaan markabkaas.
Maraykanka ayaa sheegay in weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milatariga Maraykanka ee ku sugan badda cas ay ka dhigan tahay weerar lagu qaaday Maraykanka laftiisa. Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay is-difaacday si ay qiil uga dhigto duqeymaha ay ku hayso Xuutiyiinta Yemen.