Google search engine
HomeWararka MaantaQorshaha Golaha Ammaanka ee nabadeynta Qaza oo la soo dhaweeyay

Qorshaha Golaha Ammaanka ee nabadeynta Qaza oo la soo dhaweeyay

Sahan media Muqdisho: Sami Abu Zuhri oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in ay aqbaleen qaraarka xabad joojinta ayna diyaar u yihiin in laga wada xaajoodo tafaasiisha. Waxay ahayd in Washington ay hubiso in Israa’iil ay u hoggaansanto, ayuu raaciyay.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa ku tilmaamay warka kasoo baxay Xamas “calaamad rajo leh.”

Wadahadallada ku saabsan qorshaha xabad joojinta Gaza ayaa sii socon doona maalmaha soo socda, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken oo booqday Tel Aviv, ayaa sheegay in wadahadal uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Israel.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in haddii qorshaha ugu dambeeyay ee nabadeed ee Gaza uu fashilmo ay hoos u dhigi doonto hogaamiyaha Xamaas ee Gaza.

Antony Blinken, oo booqasho ku jooga Bariga Dhexe, ayaa sheegay in caqabada keliya ee hortaagan hindisaha ay tahay “hal nin oo ku qarinaya dhulka hoostiisa toban dabaq ” –hadalkaas oo uu ula jeeday Yahya Sinwar.

Xamaas waxa ay soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Isniintii ku taageeray qorshaha xabbad-joojinta ee Mareykanka, waxaana sarkaal ka tirsan kooxda uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada-xaajood.

Mr Blinken ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu dib u xaqiijiyay in uu aqbalay qorshahaas intii lagu jiray kulan ay la yeesheen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments