Sahan Media Muqdisho: War-saxaafadeed ay Arbacadii soo saartay, shirkadda diyaaraddu KA waxay ku sheegtay in shaqaalaheedu ay bixiyeen gargaarka degdegga ah sida waafaqsan tababarkooda, isla markaana ay raaceen dhammaan habraacyada xaaladaha degdegga ah. Si kastaba ha ahaatee, markii diyaaraddu ay ka degtay Garoonka Caalamiga ah ee Murtala Muhammed NIGERIA saacadu markay ahayd 21:41, waxaa halkaas ku sugayay shaqaale caafimaad; baaritaan dheeraad ah ka dibna, shaqaalaha caafimaadku waxay xaqiijiyeen in rakaabkii uu geeriyooday.
Iyadoo xaqiijinaysa dhacdadan, Hay’adda Duulista Rayidka ee Nigeria (NCAA) ayaa sheegtay in booliisku ay la wareegeen baaritaanka ku saabsan xaaladda ku hareeraysan geerida rakaabkaas oo aan magaciisa la shaacin. Agaasimaha Arrimaha Dadweynaha iyo Ilaalinta Macaamiisha, Michael Achimugu, ayaa sheegay in subaxnimadii Arbacada uu warbixin ka helay maamulaha shirkadda ee dalkaas, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in booliisku ay hadda la wareegeen arrintaas.
Wuxuu sharraxay in dhibanaha uu ahaa qof laga soo qaaday Madagascar, ka dib markii mas’uuliyiinta kastamku ay horay ugu diideen inuu galo dalkaas. Wuxuu intaas ku daray in rakaabku uu noqday mid aan degganayn oo gardarro badan intii lagu guda jiray duulimaadka, isla markaana la sheegay inuu isku dayay inuu galo qolka duuliyaha ka hor inta uusan markii dambe isku dayin inuu furo albaabka dambe ee diyaaradda.
Maamulaha shirkadda ee dalkaas ayaa subaxdii i soo wacay si uu ii sharraxo dhinaca ay ka eegayaan sheekada, booliiskuna waxay bilaabi doonaan baaritaankooda gaarka ah. Maamuluhu wuxuu sheegay in ninkaas laga soo qaaday Madagascar ka dib markii kastamku ay horay ugu diideen inuu galo dalkaas, sida caadada ahna, shirkaddii dalka keentay ayaa waajib ku ah inay dib u celiso. “Gacmaha rakaabka waxaa lagu xiray dhabarkiisa gadaashiisa si looga hortago carqalad dheeraad ah loona xaqiijiyo badbaadada dadka saaran diyaaradda.
Markii uu diyaaradda soo galay, wuxuu noqday mid aan degganayn oo gardarro badan, wuxuuna doonayay inuu galo qolka duuliyaha, ka dibna wuxuu isku dayay inuu furo albaabka dambe, balse markii dambe waa la xiray. Hase yeeshee, markii ay diyaaradda ku dagtay Nigeria, waxaa la xaqiijiyay inuu dhintay.”


