Sahan Media Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku ridday Sadaaq Maxamed Siidow, oo lagu helay dambiyo la xiriira dil, dhaawac iyo ka mid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab.
Maxkamaddu waxay sheegtay in eedeysanaha lagu helay inuu degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ku dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, kuwaas oo kala ahaa Cabdiqaadir Adow Cabdullaahi iyo Cabdinasir Nuur Salaax Mursal, halka uu dhaawac culus u geystay qof shacab ah oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Xuseen.
Sida ay maxkamaddu sheegtay, Sadaaq Maxamed Siidow ayaa falka geystay 19-kii Luulyo 2026, xilli uu weerar hubeysan ka fuliyay degmada Afmadow, isaga oo adeegsanayay qori AK-47 iyo rasaas kale.
Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, eedeysanaha ayaa qirtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, halka xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland uu soo bandhigay caddeymo ay ku jiraan hubkii lagu eedeeyay inuu ku fuliyay weerarka.
Xeer ilaalintu waxay maxkamadda ka hor sheegtay in eedeysanuhu uu ku biiray Al-Shabaab sanadkii 2023, islamarkaana uu tababar ku qaatay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kadibna uu ka qeyb qaatay howlgallo ay kooxdaasi fulisay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa ku dhawaaqay xukunka, isagoo sheegay in maxkamaddu ku ridday dil toogasho ah (qisaas) sababo la xiriira dilka labada askari iyo dambiyada kale lagu helay.
Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay in xukunka uu salka ku hayo caddeymaha la hor keenay, oo ay ka mid yihiin qiraalka eedeysanaha iyo hubkii lagu soo qabtay.


