Sahan Media Muqdisho: Israa’iil ayaa Arbacadii u magacawday safiirkii ugu horreeyay ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland.
Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir aan deganayn Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil.
Lotem waxa uu hore safiir uga soo noqday Kenya, Azerbaijan, iyo Kazakhstan, sida laga soo xigtay warbaahinta guud ee Israa’iil ee KAN.
Bishii December 2025, Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay aqoonsan tahay Somaliland, tallaabadaas oo ay dawladda Soomaaliya si adag uga biyo-diiday, isla markaana ay dhaleeceeyeen dalal badan oo caalamka ah.
Somaliland oo aan helin aqoonsi rasmi ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxay u shaqaysaa sidii maamul, siyaasad iyo nabad-gelyo oo madaxbannaan.
Dawladda Soomaaliya waxay diidan tahay inay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan, waxaanay u aragtaa inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, waxaanay u aragtaa heshiis kasta oo toos ah ama la macaamilka Somaliland mid xad-gudub ku ah qarannimada iyo wadajirka dalka.


