Sahan media Muqdisho: Turkiga ayaa noqday saaxiibka ugu muhiimsan Soomaaliya oo dhinacyo kala duwan leh, iyadoo dhawaan heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah ay wada gaareen labada dhinac uu marag u yahay iskaashigan sii kordhaya, sida uu sheegay safiirka Somalia u fadhiya Ankara.
“Turkiga hadda waa saaxiibka ugu muhiimsan ee siyaasadda, milateriga iyo dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu Fatxudin Cali Maxamed u sheegay warbaahinta Turkiga, isagoo intaa ku daray in xaaladdan ay muujinayso isbeddelka xiriirka labada dal.
Wuxuu ku nuux-nuux saday in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu soo billowday xilligii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, isagoo xusay in ganacsigii iyo taageeradii Cusmaaniyiinta ay si weyn u xoojisay xiriirka.
Isaga oo dib u xasuusan caawimadii Turkiga ee abaarihii ba’naadamka ee Soomaaliya ka dhacay sanadkii 2011, waxa uu tilmaamay in booqashadii Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Recep Tayyip Erdogan ay ahayd mid halbowle u ah xiriirka labada dal.
“Intii lagu guda jiray booqashadan, habab cusub ayaa la dejiyay si loo kala hormariyo xeeladaha qaabdhismeedka muddada fog wax ka qabashada degdegga ah,” ayuu sharaxay.
Iskaashiga ciidamada, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha
Isagoo xusay in qayb muhiim ah oo ka mid ah xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu ku jiray dhanka militariga, Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in guul muhiim ah oo laga gaaray iskaashigan ay tahay saldhigga tababarka ciidamada Turkiga ee Soomaaliya.
Kumanaan dhalinyaro Soomaali ah ayaa tababar ciidan ku qaatay xerada ciidamada ee lagu magacaabo Camp TURKSOM.
“Askartaan tababaran oo qalabeysan ayaa hadda ku sugan jiidaha hore ee dagaalka lagula jiro argagixisada,” ayuu ergaygu hadalkiisa ku daray.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in waxbarashadu ay tahay tiir kale oo ka mid ah iskaashiga laba geesoodka ah, isagoo tilmaamay in kumannaan arday Soomaaliyeed ah ay wax ku baranayeen dalka Turkiga tan iyo sanadkii 2011-kii, wixii xilligaas ka dambeeyayna ay dib ugu soo laabteen Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.
Safiirka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay Maalgashiyo waaweyn oo ay Turkigu ku sameynayaan kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dib u dhiska caasimadda, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho oo ay maamulaan shirkado laga leeyahay dalka Turkiga.
Faa’iidooyinka iskaashiga gobolka
Safiirka ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in xiriirka adag ee ka dhaxeeya labada dal uusan faa’iido u laheyn Soomaaliya oo kaliya balse ay faa’iido u leedahay dalal kale.
“Taageerada dhanka farsamada iyo militariga ee Turkiga kaliya kama qeyb qaadaneyso xasiloonida iyo dhaqaalaha Soomaaliya balse waxay sidoo kale taageereysaa amniga iyo barwaaqada gobolka guud ahaan,” ayuu yiri.
Maxamed ayaa ammaanay dadaallada Turkiga ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo, gaar ahaan Falastiiniyiinta Gaza, oo ay Israa’iil weeraro joogto ah ka dhacaysay tan iyo 7-dii bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
“Waan ka mahadcelineynaa dadaalka Turkiga ee ah in la soo afjaro naxariis-darradan, waxaana ku dadaaleynaa inaan bixinno dhammaan taageerada aan awoodno,” ayuu yiri.
Waxa uu sidoo kale xusay in dadka Soomaaliyeed inkastoo ay heystaan dhaqaale aad u yar ay sidoo kale abaabuleen olole ay ku muujinayaan garab istaaga Falastiiniyiinta.
Wuxuu rajo ka muujiyay mustaqbalka xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, Maxamed wuxuu muujiyay suurtagalnimada in la kordhiyo iskaashiga beeraha.
“Dhul-beereedkayaga hodanka ah waxa uu awood u leeyahay in uu noqdo mid wax soo saar badan leh haddii la taageero beeralayda Turkiga iyo wareejinta tignoolajiyada, taas oo kor u qaadaysa sugnaanta cuntada, una horseedi karta dalka horumar waara,” ayuu yidhi.
Safiirka ayaa ku celceliyay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga labada dal, isaga oo u arkay in uu aasaas u yahay xiriir qotodheer oo labada dal ah.