HomeWararka MaantaShaqooyinkii xuquuqul insaanka oo ay la soo wareegtay Soomaaliya

Shaqooyinkii xuquuqul insaanka oo ay la soo wareegtay Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay hawshii Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo hoos imanayay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), iyadoo dowladda ay sheegtay inay si buuxda ula wareegtay mas’uuliyadda ajandaha xuquuqul insaanka ee dalka.

Tallaabadan ayaa soo afjareysa marxalad muddo dheer socotay oo Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageeraysay ilaalinta, horumarinta iyo u doodista xuquuqul insaanka, iyadoo mas’uuliyadda hawlahaasi ay hadda si toos ah ugu wareegayso hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in geeddi-socodka lagu soo afjaray hawsha xafiiska uu ka dhashay wada-hadallo iyo dadaallo ay dowladda Soomaaliya ka wadday Muqdisho, Geneva iyo New York.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Ambassador Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hormuud ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo lahaanshaha qaran ee ajandaha xuquuqul insaanka, iyadoo ay ka qeyb qaateen mas’uuliyiin, khubaro iyo shaqaalaha wasaaradda.

Dowladdu waxay sheegtay in go’aannada lagu xoojinayo hay’adaha qaranka, horumarka Soomaaliya ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo awoodda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ay qeyb ka ahaayeen sababaha keenay in mas’uuliyadda si tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay uusan ka dhignayn in la soo afjaray shaqada xuquuqul insaanka, balse uu yahay bilowga marxalad cusub oo hay’adaha Soomaaliyeed ay si toos ah u qaadanayaan masuuliyadda ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda muwaadiniinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments