HomeWararka MaantaShariif Xasan oo aan soo xaadirin hoolka doorashada iyo aadan Madoobe oo...

Shariif Xasan oo aan soo xaadirin hoolka doorashada iyo aadan Madoobe oo ku guuleystay madaxweynaha K/G

Sahan Media Muqdisho: kahor hambalyada doorashada madaxweynaha K/G waxaa shir jaraaid qabtay Shariif Xasan Sheekh Adan oo ka baxay doorashada Koonfur Galbeed, kuna eedeeyay guddiga inay jebiyeen heshiiskii doorashada

Baydhabo – Musharraxii xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka baxay doorashada ka socota Baydhabo, isagoo sheegay in la jebiyay heshiisyo ay hore ugu wada gaareen guddiga doorashada iyo maamulka.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu sheegay in dhinacyadu isku afgarteen in xildhibaannada laga mamnuuco inay taleefanno la galaan hoolka doorashada si loo ilaaliyo madax-bannaanida codbixinta, balse arrintaasi aan la fulin.

“Waxaan ku heshiinnay in taleefannada bannaanka lagu reebo inta doorashadu socoto, balse maanta waxaa naloo sheegay in xildhibaan kasta uu taleefankiisa la geli karo hoolka. Taasi waxay ka dhigan tahay in heshiiskii laga baxay,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Wuxuu sheegay in arrintaasi meesha ka saartay kalsoonidii uu ku qabay habraaca doorashada, taasoo keentay inuu isaga haro tartanka.

“Doorasho lagu heshiiyay haddii heshiisyadeedii la jebiyo doorasho ma noqon karto. Sidaas darteed annagu waan ka baxnay geeddi-socodkan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale ku andacooday in qaar ka mid ah xildhibaannada ay gudaha hoolka kula jireen laba taleefan, arrintaas oo uu ku tilmaamay caddeyn muujinaysa in aan la ilaalin qawaaniintii lagu heshiiyay.

Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay si rasmi ah uga socoto magaalada Baydhabo, iyadoo ay sii kordhayaan doodaha iyo eedeymaha la xiriira hannaanka loo maamulayo doorashada.

Ugu danbayn waxaa doorashada K/G ku guulaystay sida ay sheegayso dowladda Mudane Sheekh Adan Madoobe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments