Google search engine
HomeWararka Maantashirka golaha Qaran iyo wadatashiga oo Muqdisho ka furmay

shirka golaha Qaran iyo wadatashiga oo Muqdisho ka furmay

Sahan media Muqdisho: Magaalada Muqdisho waxa shalay yimid inta badan madaxda maamul goboleedyada, halkaas oo la filayo in uu ka furmo shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada.

Madaxda Muqdisho yimid waxa kamid ah madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo madaxweynaha Hirshabelle cali guudlaawe.

Shirka golaha wadatashiga ee NCC ayaa baaqday bishii ina dhaaftay ee April, in kastoo madaxtooyadu ku sheegtay sababta uu u baaqday arimo farsmo ayaa haddana waxa jiray doodo dhinacyada u dhaxeyeay oo aan xal laga gaarin shirka ka hor.

Dhinaca kale waxa shirka qaadacay oo sheegtay in aanayba aqoonsaneyn dawladda federaalka dawlad goboleedka Puntaland oo dhawr jeer oo horena ka baaqsatay ka qaybgalka shirrarka golaha wadatashiga qaranka.

Illaa hadda lama sheegin ajandaha shirka NCC ee Muqdisho ka furmaya, balse kii baaqday bishii April ayay Villa Somalia waxa ay ku sheegtay in looga arinsanyo arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka kmg ah iyo la dagallaanka Al-shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments