Google search engine
HomeWararka MaantaShirkii lixaad ee “Quint Partners oo lagu soo xiray London

Shirkii lixaad ee “Quint Partners oo lagu soo xiray London

Sahan media Muqdisho: Wakiilo ka kala socda dalalka Shanta ah ee Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ugu soo dhamaadey maalintii Talaadada magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska shirka lixaad ee “Quint Partners” ee Soomaaliya, kaasoo looga hadlay arrimaha gobolka iyo isku xirka taageerada Soomaaliya.

Quint Partners waxay xuseen xiisadaha gobolka Geeska Afrika ka socda, waxayna ku baaqeen in la dejiyo oo la wada hadlo. Waxa ay xaqiijiyeen in ay garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo midnimadeeda.

Waxaa diirada lagu saarey shirkan geeddi-socodka dib-u-habaynta dastuurka Soomaaliya. Dalalka taageera Soomaaliya waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay, waxayna ka wada hadleen horumarradii u dambeeyay, oo ay ku jiraan qorshayaasha Golaha Wadatashiga Qaranka.

Dhinaca amniga, saaxiibadu waxay xaqiijiyeen inay taageerayaan hammiga Soomaaliya ee ah inay kordhiyaan xasilloonida. Waxa ay ku heshiiyeen in la iska kaashado horumarinta laamaha amniga Soomaaliya, oo ay ku jirto xog wadaag, kaalmo tababar oo la jaan qaadaya Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya ee uu soo bandhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dalalka taageera Soomaaliya ee ku shiray London waxay soo dhaweeyeen qorshayaasha hawlgalka cusub ka dib dhammaadka Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Waxa ay garwaaqsadeen muhiimadda ay leedahay howlgal diiradda lagu saarayo in lagu taageero Soomaaliya maadaama ay qaadayso mas’uuliyadda koowaad ee amniga iyo xaqiijinta dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kor u qaadida wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda federaalka iyo dawlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa loo arkay inay muhiim u tahay guusha hawlgalka cusub. Quint Partners ayaa isku raacay inay dib isugu yimaadaan kulankoodii toddobaad ee Washington ka dhici doona sanadkan gudihiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments