Sahan Media Muqdisho: Shirka Hogaamiyeyaasha Mucaaradka Dowladda ayaa maanta ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho waxaana shir Guddoominayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Siyaasadda dalka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo furay Shirka ayaa sheegay in shirkaan looga hadlay mustaqbalka Soomaaliya, waxa uu xusay inta maanta shirka ku shiray ay yihiin kuwa kooban.
Waxa uu Khudbadiisa kusoo hadal qaaday Doorashada Qof iyo Cod ah, waxaana uu carabka ku adkeeyay in wax wanaagsan ay tahay balse ay muhiim ay tahay in ay ku timaado wax la isla ogol yahay iyadoo la ixtiraamayo Dastuurka dalka u degsan.
Shirkaan marka la soo gabagabeeyo waxaa la filayaa inay kasoo baxaan war murtiyeed ay mucaaradka uga hadli doonaan arrimo badan oo siyasadda, amaanka iyo Doorashooyinka quseeya iyagoona iska dhex dooran doona cidda rasmiga ah ee Mucaaradka hogaamin doonto.
waxaa si weyn maanta uga soo dhex muuqday, Ra’iisul wasaarayaashii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Xasan Cali Kheyre, Cabdi Faarax Shirdoon, iyo Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal sidoo kale waxaa jira xildhibaano hadda ku jira Golaha Shacabka iyo wasiiro hore.