Google search engine
HomeWararka DibaddaSida loo maareeyay dibad bixii Kenya oo la saluugay

Sida loo maareeyay dibad bixii Kenya oo la saluugay

Sahan media Muqdisho: Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal kale ayaa cambaareeyay dilka iyo xarigga lagula kacay dibadbaxyaasha Kenya oo shalay ka sameyay bannaanbaxyo waaweyn guudahaan dkenya.

Dibadbaxayaasha ayaa diidan sharciga maaliyadda ee canshuur kordhinta, iyadoo dowladdu ku doodeyso in deymo lagu leeyahay ayna u baahantay in canshuurtu xal u noqon karto arrintaa.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen safiirada iyo wakiillada 13 wadan ayaa waxa ay ku muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin rabshadaha ka dhacaya guud ahaan dalka ee sababay dhimashada.

“Waxaan aad uga xunahay rabshadihii ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka, intii ay socdeen mudaaharaadyadii u dambeeyay, waxaana si gaar ah ula yaabnay dhacdooyinkii lagu arkay bannaanka baarlamaanka Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Iyaga oo isku magacaabay “saaxiibada iyo xulafada Kenya”, safiirada ayaa sheegay in mudaaharaadku ay tahay xuquuq dastuuri ah.

Dalalka ayaa ku baaqay in si degannaan ah loo xaliyo kala aragti duwanaasha dowladda iyo shacabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments