Sahan media Muqdisho: Sacuudi Carabiya ayaa Arbacadii bilowday tijaabinta taksi diyaaradeed oo bilaa darawal ah, taasoo xujeyda u kala qaadi doonta goobaha barakeysan inta lagu guda jiro xilliga xajka.
Tani waxay noqonaysaa taksigii ugu horeeyay ee aduunka oo ay siiso shati hay’ada duulista rayidka, sida ay sheegtay wakaalada wararka Sacuudiga.
Marka laga soo tago in xujayda laga xirayo goob barakeysan oo la geeyo goob kale, waxaa diyaar noqon doona adeegyada tagaasida hawada si loo fududeeyo safarka degdega ah iyo qaadista agabka caafimaadka.
Arrintan ayaa waxaa si rasmi ah u daah furay Saleh Al Jasser, Wasiirka Gaadiidka iyo Adeegga Saadka, ahna Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Sare ee Sacuudiga.
Isticmaalka Tagaasida duulista ee sanadkan xajka ayaa markii ugu horeysay lagu dhawaaqay bishii Janaayo. Diyaaradda Saudi Arabian Airlines (Sacuudi Carabiya) ayaa qorsheyneysay in ay ku shaqeyso diyaaradaasi afar ilaa lix rakaab ah ka qaadi karta inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha ee King Abdulaziz International Airport ee magaalada Jiddah iyo hoteellada Makkah.