Google search engine
HomeWararka MaantaTahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhintay doon kula qalibantay dalka Algeria

Tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhintay doon kula qalibantay dalka Algeria

Sahan Media Muqdisho: Dooni ku qalibantay biyaha u dhaxeeya dalalka Algeria iyo Spain ayaa waxaa ku dhintay 17-qof oo tahriibayaal Soomaali ah.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa isugu jira 12 rag ah iyo 5 dumar ah kuwaas oo ku dhintay markii doonidii ay la socdeen ay la qalibantay xilli ay isku dayayeen in ay u safraan wadamada qaarada Yurub.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Aljeeriya, ayaa ku wargelisay Somalia in koox tahriibayaal Afrikaan ah ay ku dhinteen gobol xeeb ah oo qiyaastii 100 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Algiers.

Safiirka Somalia ee Aljeriya ayaa sheegay in uu booqday laba isbitaal oo ku yaal gobolka oo uu ku arkay maydadka Soomaalida ah.

Badda u dhexeysa Waqooyiga Afrika iyo Spain ayaa ah mid ka mid ah meelaha ay inta badan isticmaalaan muhaajiriinta doonaya inay gaaraan Yurub, kuwaasoo inta badan raaca doomo aad loo buux-dhaafiyay ama aan lahayn naakhuudiyayaal ama badmareenno aqoon leh.

Kumannaan muhaajiriin ah ay naftooda halis u galiya in ay galaan Yurub sanad walba iyagoo ka cararaya colaado, faqri iyo dhibaatooyin la xiriira cimilada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments