Sahan Media Muqdisho: Sacudi Carabiya, Baakistaan iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis difaac oo wadajir ah, iyadoo xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordhayso xilli ay socoto dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan.
Heshiiskan, oo loo yaqaan “Heshiiska Wadajirka ah ee Ka-hortagga iyo Celinta Cadawga ee Makka” (Mecca Joint Deterrence Agreement), ayaa waxaa magaalada barakeysan ee Makka ee dalka Sacudiga maalintii Jimcaha ku kala saxiixday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Dhaxal-sugaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Sacudiga Mohammed bin Salman, iyo Ra’iisul Wasaaraha Baakistaan Shehbaz Sharif.
Heshiiskan waxaa loogu talagalay inuu si wadajir ah uga hortago fal kasta oo gardarro ah iyadoo la qeexayo in weerar hubaysan oo ka dhan ah saddexdaas loo arki doono weerar lagu qaadayo dhammaan, sida ay si wadajir ah u sheegeen howlwadeenada.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa lagu sheegay in heshiiska wadajirka ah ee difaaca ee la saxiixay uu “hagaaminayo xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee u dhexeeya saddexda dowladood, oo ku salaysan xiriirka walaaltinimada iyo midnimada Islaamka ee mideeya, iyo dhisidda danaha istiraatiijiyadeed ee ay wadaagaan iyo iskaashiga difaaca ee muddada dheer”.

Heshiisku wuxuu ka tarjumayaa “ballanqaadka wadajirka ah ee saddexda dowladood ee ah inay sii xoojiyaan amnigooda wadajirka ah iyo inay kor u qaadaan nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka iyo wixii ka dambeeya, si loo helo mustaqbal ammaan ah oo barwaaqo ah”, ayay raacisay.
Heshiisku wuxuu yimid maalin ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, oo uu weheliyo taliyaha ciidanka awoodda badan Asim Munir, ay gaareen Sacuudi Carabiya oo ay u gudbeen xajka Cumrada ee Makka.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale Jimcihii u safray Sacuudi Carabiya si uu ula kulmo Amiirka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salman.


