Sahan Media Muqdisho: Shirkadda difaaca Turkiga ee STM ayaa daaha ka rogtay qalabkeeda kamikaze ee aan duuliyaha wadin ee riddada dheer ee KUZGUN markii ugu horreysay Talaadadii.
STM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in KUZGUN oo loo dhisay howlgallada qotoda dheer uu leeyahay masaafo ka badan 1,000 kiiloomitir (621 mayl) oo loogu talagalay in lagu gaarsiiyo saameyn xooggan oo ka dhan ah bartilmaameedyada istiraatiijiga ah.
Shirkadda ayaa sidoo kale soo saartay muuqaal ku saabsan duulimaadkii tijaabada ahaa ee nidaamkan markii ugu horeysay.
Shirkadda KUZGUN, oo soo gabagabaysay wejigeeda naqshadaynta, si guul lehna u samaysay duullimaadyadii ugu horreeyay, ayaa markii ugu horreysay lagu soo bandhigay Bandhigga Difaaca Caalamiga ah ee SAHA 2026 iyo Aerospace Exhibition ee Istanbul.
“KUZGUN, nidaamkayaga kamikaze UAV-ga dheer ee loo sameeyay baahidan, waxuu hiigsanayaa inaan kor u qaadno ka hortagga istaraatiijiga ah ee waddankeena waqtiga soo socda,” ayuu yiri Guleryuz.
Waxa uu sheegay in nidaamkan oo leh baaxad ka badan 1,000 kiiloomitir iyo madax dagaal oo aad u saraysa, uu awood u yeelan doono in uu si iskiis ah uga takhaluso bartilmaameedyada muhiimka ah, laga bilaabo xarumaha talisyada ilaa difaaca hawada iyo walxaha raadaarka.
“KUZGUN, oo ku qalabaysan software-ka qarankeena, nidaamka socodka dagaalka u adkaysta, iyo awoodda duulimaadka ee hooseeya, waxay ku shaqeyn doontaa hadafka saxda ah xitaa juqraafiyada ama xaaladda ugu adag,” ayuu raaciyay.
Waxaa loogu magacdaray Tukaha, Shimbir caan ku ah sirdoonka, leh kartida u fiirsashada sare, iyo xawaaraha istiraatijiyadeed.
Nidaamkan ama gantaalkan waxaa loo sameeyay hawlgallada xudduudaha isaga gudba iyo weerarrada ka dhanka ah bartilmaameedyada muhiimka ah ee ka dambeeya khadadka cadawga.
Waxa uu leeyahay adkeysi wax ka badan lix saacadood, nidaamku wuxuu samayn karaa weeraro degdeg ah oo waxtar leh oo ka dhan ah bartilmaameedyada fog fog ayay tiri shirkaddu.
Nidaamku waxa uu qaadi karaa duullimaad si buuxda u madax bannaan iyadoo loo eegayo dariiq loo sii cayimay iyo macluumaadka la beegsanayo oo uu ku gaari karo yoolkiisa iyada oo ay taageerayso GNSS oo wadata awood isku-dubbarid sax ah.
Inkasta oo miisaankeeda guud yahay 200-kilogram, KUZGUN waxay ku socotaa xawaare sare waxaana la filayaa inay noqoto qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada istaraatiijiyadeed ee leh awoodeeda wax-burburineed.
Sida laga soo xigtay STM, KUZGUN UMK waxay leedahay duullimaad masaafo ka badan 1,000 kilomitir ah, waxay hawada ku jiri kartaa lix saacadood, miisaankeeduna yahay (a weight limit of 20 kilograms), waxayna ku duuli kartaa joogga hawleed ee 3,500 oo mitir kasoo ka sarreeya heerka joogga badda.


