Google search engine
HomeWararka MaantaUK ayaa ku dhawaaqday 6.6 milyan doollar oo lagu taageerayo ciidamada qaranka

UK ayaa ku dhawaaqday 6.6 milyan doollar oo lagu taageerayo ciidamada qaranka

Sahan media Muqdisho: Ingiriiska ayaa ugu yaboohday lacag dhan £5 milyan oo u dhiganta ($6.6 milyan) oo ay ugu deeqday ciidamada qaranka Soomaaliya iyadoo loo sii marinayo Sanduuqa kalsoonida ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo ciidamada ammaanka dalka.

UNSOS ayaa Isniintii sheegtay in gargaarku uu bixin doono taageero muhiim ah oo aan halis ahayn, oo ay ku jiraan raashiin iyo qalab isgaarsiin, si kor loogu qaado awoodaha shaqo ee ciidamada Soomaaliya.

Kaalmadan ayaa ka caawin doonta Ciidamada Ammaanka Soomaaliya in ay si wadajir ah ama isku dubaridan u fuliyaan howlgallada kala duwan ee Ciidanka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyaga oo qaadaya mas’uuliyadda weyn ee amniga qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada joogtada ah, isagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta kaabayaasha amniga qaranka iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Ilaa iyo 2022, UK waxa ay UNSOS ugu deeqday in ka badan £28 milyan si ay u taageerto Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Ku dhawaaqista mucaawinada ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay jirto xiisad u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan heshiiska dhinaca badda ee Itoobiya ay la gashay maamulka la baxay Somaliland, kaas oo ay Soomaaliya ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-banaanideeda. Soomaaliya ayaa dhawaan u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya iyadoo ka cabanaysa heshiiska.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments