Sahan media Muqdisho: Itoobiya ayaa sii kordhisay xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya, kadib markii ay “shixnad rasaas ah” u soo dirtay deegaannada Soomaaliya ee ay xadka la leedahay. Muqdisho ayaa cambaareysay tallaabadaas, waxayna ku tilmaantay “xadgudub daran” oo ka dhan ah madax-bannaanideeda.
Dhanka kale, Masar ayaa ku nuux-nuuxsatay baahida loo qabo xasilooni ka dhalata Somalia iyo in la ixtiraamo madax-banaanideeda dhuleed.
Khubarada ayaa ka digaya in ficilada Itoobiya ay khatar ku yihiin amniga gobolka. Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday horaantii sanadkan markii Addis Ababa ay heshiis la saxeexatay maamulka Somaliland. Heshiiska waxaa ka hor yimid Masar iyo dalal kale oo Carbeed.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa cambaareysay hubka loo soo daabulay Puntland, waxayna ku tilmaantay “fal sharci darro ah” iyo “xadgudub weyn oo ka dhan ah madax-bannaanida”.
Waxay ku boorisay Itoobiya inay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah waxayna ugu baaqday saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay cambaareeyaan ficillada Itoobiya oo ay taageeraan dadaallada nabadda ee gobolka.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty ayaa mar kale ku celiyay sida ay Qaahira uga go’an tahay xasilloonida iyo madax-bannaanida Soomaaliya, mar uu wadahadal kula yeeshay mas’uuliyiinta Mareykanka ee Washington.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in Masar ay taageerto hay’adaha dhexe ee Soomaaliya si loo sugo marin biyoodka Bab al-Mandab, la dagaallanka argagixisada, iyo ka hortagga tahriibka sharci darrada ah.
Abdelatty ayaa sheegay in taageerada Masar ee Soomaaliya ay la jaanqaadi karto doorka ay ku leedahay horumarinta nabadda iyo amniga gobolka iyadoo la raacayo mabaadi’da Qaramada Midoobay, cahdiga aasaaska Midowga Afrika, iyo axdiga Jaamacadda Carabta.
Waxa uu intaa ku daray in Masar ay Soomaaliya ka caawineyso sidii ay u dhisi lahayd amni iyo awood ciidan.
Masar iyo Soomaaliya ayaa dhawaanahan xoojiyay xiriirkooda. Bishii Agoosto, madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiis iskaashi milateri ku kala saxiixday magaalada Qaahira.
Sisi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Masar ay ku biiri doonto ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya bisha Janaayo.
Dabayaaqadii bishii Agoosto, Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in qalab iyo ciidan Masar ay soo gaareen Muqdisho, taasoo qeyb ka ah dadaallada nabadeed ee Masar.