Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Jimce ah halkan kaga dhawaaqay sare u qaadista xiriirka labada dal iyada oo la gaaray iskaashi istiraatiiji ah.
Shiinaha ayaa doonaya in ay xoojiyaan iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, kalluumeysiga iyo tababarka shaqaalaha, ayuu Xi ku sheegay mar uu la kulmay Maxamuud, oo Beijing uga qeybgalaya Shir Madaxeedka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee 2024-ka (FOCAC).
Shiinaha ayaa ku dhawaaqay xirmo dhan 200 milyan yuan ($28 milyan) oo deeq ah oo lagu taageerayo mudnaanta dhow ee Soomaaliya. Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib kulan ay wada qaateen Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Beijing uga qeyb galaya shir madaxeedka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee sanadka 2024-ka.
Waxa uu sheegay in Shiinuhu uu sii wadi doono kaalmada uu siiyo howlgallada nabad ilaalinta caalamiga ah ee Soomaaliya, isla markaana uu dalka ka taageeri doono sidii kor loogu qaadi lahaa awooddiisa horumarineed ee madax bannaan, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xasilloonida.
Maxamuud ayaa u mahadceliyey Shiinaha sida ay Soomaaliya uga taageerto ilaalinta madax-bannaanida qaranka iyo wadajirka dhuleed, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Soomaaliya waxay hiigsanaysaa amni iyo xasillooni, waxayna Shiinaha u aragtaa saaxiib la isku halayn karo, ayuu yiri Maxamuud, isagoo intaas ku daray in dalkiisu uu rajeynayo inuu si joogto ah u sii qoto dheereeyo saaxiibtinimada iyo iskaashiga uu la leeyahay Shiinaha.
Intii uu shirku socday ayaa labada dhinac waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo ay ka mid yihiin idaacadaha iyo TV-ga. â–