Google search engine
HomeWararka MaantaWajiga sedexaad ee ka bixista saldhigyada Atmis oo sidii loogu tala galay...

Wajiga sedexaad ee ka bixista saldhigyada Atmis oo sidii loogu tala galay ku socota

Sahan media Muqdisho: Ciidamada ATMIS ayaa shalay bilaabay wajiga saddexaad ee dhimista ciidankooda iyadoo saldhigga Bariire ku wareejisay Ciidanka Soomaaliya.

Sareeye Guuto Anthony Lukwago Mbuusi, Taliyaha Guutada Ciidanka Uganda ee ATMIS, ayaa si rasmi ah saldhigga ugu wareejiyey Gaashaanle Muxiyadiin Axmed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay saraakiil sar sare oo ka tirsan ATMIS & Ciidanka Soomaaliya.

Wajiga saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS ayaa waafaqsan Qaraarrada Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigoodu yahay 2628 (2022), 2670 (2022), & 2710 (2023), kuwaas oo lagu doonayo ATMIS inay ciidankeeda dhinto 4,000 oo askari dhammaadka bisha Juun ee 2024.

Wajiga saddexaad ayaa daba socoda dhammaystirkii najaxay ee labadii waji ee hore, kuwaas oo la soo gunanaaday bilihii Juun 2024 iyo Jannaayo 2024, xilligaas oo ATMIS ay ciidankeeda yareysay 5,000 oo askari isla markaasna 17 saldhigyo hore ku wareejisay muddadaas .

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments