Google search engine
HomeWararka MaantaXujayda oo maanta ku tukanaysa buurta Carrafo

Xujayda oo maanta ku tukanaysa buurta Carrafo

Sahan media Muqdisho: In ka badan 1.5 milyan oo Muslimiin ah ayaa ku tukan doona maanta Buurta Carrafo, waana maalinta ugu xanuunka badan ee xajka sannadlaha ah.

Xujayda adduunka oo dhan ayaa kori doona buurta dhagaxa ah oo 70-mitir (230-feet) u jirta magaalada Makkah oo qiyaastii 20 KM u jirta magaalada Makkah, halkaasoo la rumeysan yahay inuu Nebi Muxamed khudbadii ugu dambeysay ka jeediyay.

Kulaylka xagaaga ee saxaraha ayaa la filayaa inuu gaaro 43ºC (109.4 darajo Fahrenheit), taasoo abuuraysa caqabado gaar ahaan waayeelka inta lagu jiro maalinta salaadda iyo akhrinta Quraanka kariimka ah.

Xajka, oo qaata ugu yaraan shan maalmood in la dhammeeyo, ayaa inta badanna dibadda lagumaqan yahay, “ma fududa sababtoo ah aad buu u kulul yahay”, ayay tiri Nadiifa oo ka soo jeeda xujayda Somalia ka timid. “Waxaan haysanaa cadceed badan, laakin Alle waxaan ku baryi doonaa Carafa,maxaa yeelay waxaan u baahanahay taageeradiisa”

Maamulka Sacuudiga ayaa ku booriyay xujeyda inay cabaan biyo badan ayna iska ilaaliyaan qorraxda. Maadaama ragga laga mamnuucay inay xirtaan koofiyadaha, qaar badan ayaa wata dalladaha.

Xajka oo ka mid ah kulamada diimeed ee ugu waaweyn caalamka ayaa waxaa sii kordhaya saameynta isbedelka cimilada, sida lagu sheegay daraasad Sucuudi ah oo sheegtay in heerkulka gobolku uu kor u kacay 0.4ºC tobankii sanoba.

Dadweyne aad u tiro badan oo cibaadeysanayey ayaa xalay ku hoyday magaalo weyn oo teendho ah oo ku taal Mina, oo ah dooxo dhowr KM ka baxsan magaalada Makkah, oo ah magaalada ugu barakeysan Islaamka.

Carrafo ka dib waxay aadi doonaan Muzdalifah, halkaas oo ay ka soo ururin doonaan quruurux si ay u fuliyaan cibaadada “dhagaxinta shaydaanka” ee Mina maalinta Axadda.

Xajka ayaa la sheegay in uu raacay wadadii uu u maray xajkii ugu dambeeyay ee Nebi Maxamed, qiyaastii 1,400 oo sano ka hor.

Xajka sanadkan waxa uu dhacayaa sanadkan isagoo uu socdo dagaalka Gaza, ka dib sideed bilood oo dhiig ku daatay, taasoo nabar furan ku ah in badan oo ka mid ah dunida Muslimka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments