Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo Shiinaha uga qeybgalaya shirka 10-aad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta, oo lagu soo gabagabeeyay Bekin China ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, ahna Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga iyo Golaha Dhexe.
Labada wasiir waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada wadan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac ee hadda jira.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, waxa uu ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdiga la socotay.