Sahan media Muqdisho: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka qeyb galay shirkii saddexaad ee Kooxda Iskaashiga Wasiirada Carabta ee taageerada Soomaaliya si ay u difaacdo madax banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Sacuudiga, Jabuuti, Masar, iyo Mauritania iyo Baxrayn oo ay wehliyaan Axmed Aboul Gheit Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.
Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray dadaallada wadajirka ah ee Carbeed ee lagu difaacayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyadoo laga jawaabayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Itoobiya iyo gobolka Somaliland.
Gabagabadii, kooxdu waxay soo saartay bayaan ay Carabtu si buuxda ugu raacsan tahay xaqa ay Soomaaliya u leedahay ilaalinta qaranimadeeda, isla markaana ay diidayso heshiiska is-afgaradka ah ee ku xusan iyo cawaaqibka ka dhalan kara sharci, siyaasadeed, ganacsi iyo mid ciidan.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, iyadoo laga duulayo Axdiga Jaamacadda Carabta, mabaadiida Qaramada Midoobay, iyo in qabanqaabo kasta oo khuseeya gobolka ay ka dhashaan wada-hadallo siyaasadeed oo dhexmara dadka Soomaaliyeed.