Google search engine
HomeWararka Dibaddaweerar gantaallo ah oo lagu fuliyay Iiran

weerar gantaallo ah oo lagu fuliyay Iiran

sahan media Muqdisho: Yuhuudda ayaa weerar gantaallo ah waabarigii hore ee Jimacaha maanta ah ka fulisay gudaha Iran, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka, iyada oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin.

Warbixinnada shabakadaha ABC, CBS iyo NPR ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta ama bartilmaameedka gantaalaha Yuhuudda.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa VOA u sheegay in uusan wax hadal ah “xilligan” ka bixin karin wararka warbaahinta Mareykanka, saacad kadib markii ay soo baxeen wararka.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay in difaaca cirka ee jamhuuriyadda Islaamiga ah laga hawl galiyay hawada sare ee dhowr gobol.

IRNA iyo wakaaladda wararka dowladda ee Fars, oo xiriir la leh ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa soo xigatay ilo wareed aan la magacaabin, iyagoo sheegay in qarax uu ka dhacay gobolka Isfahan ee bartamaha Iran.

Israa’iil ayaa uga digtay Iran inay ka aargoosan doonto duullaan aan horay loo arag oo Iran ay ku qaaday dhulka Israa’iil Axaddii hore.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments