HomeWararka MaantaXaaladda Mooyaale oo degan & calanka Maamulka Soomaalida oo la suray

Xaaladda Mooyaale oo degan & calanka Maamulka Soomaalida oo la suray

Sahan Media Muqdisho: Xaaladda amni ee degmada Mooyaale ee gobolka Daawa ayaa maanta ka deggan sidii maalmihii la soo dhaafay, kaddib dagaallo isdaba joog ah oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada iyo nawaaxigeeda, kuwaasi oo ka dhashay duullaan ay soo qaadeen ciidamada ismaamulka Oromia ee dalka Itoobiya.

Ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa saaka calankooda ka taagey saldhigga magaalada Mooyaale, taasi oo muujinaysa in ciidamada ismaamulka la wareegeen gacan ku haynta Magaalada iyo sugidda amniga guud ee deegaankaasi.

Dhanka kalena, dagaallo xooggan ayaa la sheegay inay weli ka socdaan degmada Hudhet iyo deegaannada hoos yimaada, oo ay ka mid yihiin Malkaa Guba, Minwata iyo saddex goobood oo kale, waxaana goob joogayaal ku sugan deegaanku sheegeen in xaaladda deegaannadaasi ay weli kacsan tahay, taas oo muujinaysa in xiisadda amni aysan ku koobnayn Mooyaale oo keliya.

Dowladda federalka iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaan weli wax war rasmi ah ka soo saarin dagaalada ka soo cusboonaaday degmada Mooyaalle iyo deegaamada hoos yimaada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments