Google search engine
HomeWararka MaantaXaggee ku danbeeyay wadahadalladii Somalia iyo Ithiopia?

Xaggee ku danbeeyay wadahadalladii Somalia iyo Ithiopia?

Sahan media Muqdisho: Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Isniintii ku heshiiyey inay sii wadaan wada-hadallada Turkigu dhexdhexaadinayo ee lagu xallinayo khilaafkooda, ka dib markii heshiis muran badan dhaliyey oo Itoobiya iyo maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland horaantii sanadkan dhex maray uu labada waddan qarka u geliyey dagaal hubaysan.

Turkiga “wuxuu qaatay doorka fududeeye,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Ankara, kaddib kulan ay wada qaateen dhiggiisa Soomaaliya iyo Itoobiya, Axmed Macallin Fiqi iyo Taye Atske Selassie, kuwaasoo u safray Ankara wareegii koowaad ee wadahadallada.

Waxay ku heshiiyeen in la sii wado wada-hadallada socda si loo xalliyo arrimahooda iyo in la xaqiijiyo xasilloonida gobolka,” sida lagu sheegay war-murtiyeed wadajir ah oo la soo saaray. ka dib shir jaraa’id oo ay qabteen saddexda wasiir. Wareegga labaad ee wadahadalka ayaa lagu qaban doonaa Ankara Sebtember 2, Fidan ayaa yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Itoobiya ay waydiisatay Turkiga dhexdhexaadin, Soomaaliya waligeed ma diidin gogol nabadeed, laakin ma dhcin wada hadal toos ah oo ay yeesheen Soomaaliya iyo Itoobiya.


Soomaaliya oo aan aqoonsanayn Somaliland ayaa diiday heshiiska oo ay ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-banaanideeda. Turkiga ayaa si cad u taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo ah saldhigga ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda. Laakiin Ankara waxay sidoo kale xiriir dhow la leedahay Addis Ababa, iyadoo Itoobiya ay Turkiga ka soo iibsatay in ka badan 12 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah 2021-ka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments