sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Gorgor oo ka qalin jabiyey dugsiga ciidamada ee Turksom.
Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.
“Deegaanno badan oo muddo dheer ay joogeen argagixisadu ayaa xor ka ah maanta. Sharafta iyo karaamada ay umadda Soomaaliyeed leedahay cidda soo celin karta waa idinka iyo kuwa idinla mid ah ee ka qalin jabiya xeeryahan”.
Madaxweynaha ayaa ciidanka kula dardaarmay inay isku diyaariyaan dagaalka cadowga, isagoo ku war
-geliyey in dagaalka dowladda uga furan gudaha dalka deg deg u soo gabagabeeyaan, si cadowga dibadda ay ugu diyaar garoobaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal-qaaday damaca waalan ee Itoobiya ay ku raadineyso badda Soomaaliya, isagoo ku hanjabay in mar dambe aysan suurta-geli doonin Itoobiya qaadato dhulkeena, iyadoo mid hore uu ku maqnaa.