Google search engine
HomeWararka MaantaXallinta Dagaalladii Galbeedka Mudug Mudug Oo La Dhamaystiray

Xallinta Dagaalladii Galbeedka Mudug Mudug Oo La Dhamaystiray

Sahan media Muqdisho: Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan Odayaasha Dhaqanka labada Beelood ee Sacad iyo Leelkase ayaa soo saaray Qodobbo dhammaystir u ah Nabadaynta Colaaddii Galbeedka Mudug.

Maamulka iyo oday-dhaqamaeedyadan oo Shir ku yeeshay Degaanka Maygaagta ee Galbeedka Gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay Qodobada dhammaystirka Fulinta Go’aannadii Xabbad-joojinta ee Colaadda Labada Beelood ee ku dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug.

Waxaa la go’aamiyay:

1-In hubin lagu sameeyo dhammaystirka fulinta Qodobadii Xabbad-joojinta iyo kala qaadista Maleeshiyaadka Beelihii dagaallamay, islamark

2-Ciidamada qaabilsan Amniga xaqiijiyaan in aan isku dhac danbe imaan inta laga hirgelinayo Heshiis Nabadeed oo Rasmi ah.

3-Waxaa Sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo Degaameyn laga sameeyo Dhulkii lagu dagaallamay.

4- waxaana loogu baaqay dhammaan Odayaasha Labada Beelood in ay Kaalintooda ka qaataan Fulinta Go’aannadii Xabbad-joojinta Labada dhinac.

5-Waxaa loo asteeyay 5/8/2024 in uu furmo Shirka Rasmiga ah ee Nabadaynta Labada Beelood, kaasi oo lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo, si loo dhammaystiro Gogoshii Wada-hadalka Nabadda Labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

6-Waxaa la go’aamiyay In wadahadallada Gogoshu ay ku koobnaadaan Odayaasha Labada dhinac, iyadoo Maamullada Galmudug iyo Puntland ay korjoogteynayaan mar walba lana xallinayaan Odayaasha wixii ay isku fahmi waayaan sidoo kalana ay farsamao ahaan hagayaan Maamulka Shirka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments