Google search engine
HomeWararka MaantaXasan Sheekh oo la kulmay madaxda ugu sarreysa dowladda Talyaaniga

Xasan Sheekh oo la kulmay madaxda ugu sarreysa dowladda Talyaaniga

Sahan media Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka Talyaaniga uga qeyb galay kulan ay isugu imaadeen madaxda dalalka Afrika iyo Talyaaniga, halkaas oo uu khudbad ka jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisii ku soo bandhigay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome kulamo doceedyo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan oo khudbadii uu ka Jeediyay shirkan Carabka ku dhuftay ayaa yiri “Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga  fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments