HomeWararka MaantaXasan Sheekh oo looga digay doorasho dhinac ka raran

Xasan Sheekh oo looga digay doorasho dhinac ka raran

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madobe ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, isaga oo sheegay in aan la aqbali doonin doorasho horay loo sii qorsheeyey cidda ku guuleysanaysa.

“Xasanow, kuwo kaa xoog badan baa dalkan haysan waayey ee talada dhulka dhig. Doorashada qofka soo baxaya la yaqaan ma soconayso”, Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo sheegay in muddo-xileedyadii hay’adaha dowladda iyo dowlad goboleedyada qaar ay dhammaadeen, islamarkaana aan la aqbali doonin hannaan siyaasadeed oo dhinac gaar ahi wato.

Qoorqoor ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay doorasho heshiis lagu yahay oo ay dhammaan saamileyda siyaasadeed ka wada qeyb galaan. Wuxuu xusay in xaaladda dalka aysan qaadi karin muran siyaasadeed cusub ama go’aano hal dhinac ah lagu maamulayo geeddi-socodka doorashada.

“Muddo-xileedyadii waa dhammaadeen, wax cid gaar ahi wadato ma soconayaan, doorashooyin loo dhan yahay uun baa socon kara,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments