Sahan media Muqdisho: Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay Talaadadii in ay gantaal cusub oo ballistic ah la beegsadeen markab ay Israa’iil leedahay oo marayay badda Carabta.
Warbixin la duubay, afhayeenka milatariga kooxda, Yahya Saree, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay beegsadeen markabka MSC SARAH V, “taasoo keentay in si sax ah oo toos ah loo garaacay.”
Saree waxa uu xusay in “gantaalka loo adeegsaday hawlgalkan uu yahay gantaal ballistic ah oo dhawaan la soo bandhigay kaasoo muujiyay saxnimadiisa inta lagu jiro tijaabada.”
“Waxa xusid mudan, waxa ay awood u leedahay in ay si hufan u beegsato bartilmaameedyada fog,” ayuu raaciyay.
Israa’iil ayaan wax jawaab ah ka soo saarin bayaanka.
Xuutiyiintu waxay bartilmaansadaan maraakiibta laga leeyahay Israel, calankooda, ka hawlgala ama ku sii jeeda dekedaha Israel ee ku yaala badda cas iyo gacanka cadmeed gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Gaza, oo tan iyo 7-dii Oct. sanadkii la soo dhaafay.
Iyadoo Mareykanka iyo UK ay bilaabeen duqeymo aargoosi ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen, ayaa Xuutiyiinta waxa ay ku dhawaaqeen in ay tixgelinayaan dhamaan maraakiibta Mareykanka iyo Britain ee bartilmaameedyada militari.