Sahan Media Muqdisho: Diyaarado laga leeyahay dalka Poland ayaa arkay diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka oo howlo sahamin ah ku mareysay badda Baltic-ga, sida ay sheegeen ciidamada Poland Arbacadii.
Shirkadda baraha bulshada ee X, ayay ciidanku sheegeen in diyaaradda Ruushka ee Il-20 ay ku duuleysay hawada caalamiga ah iyada oo aan lahayn qorshe duulimaad oo cad.
“Oktoober 28, 2025, laba ka mid ah diyaaradaha MiG-29 oo ku jiray shaqada ciidamada Cirka ayaa si guul leh u soo dhexgalay muuqaal loo aqoonsaday in ay kaxeeynaeen diyaarad uu leeyahay Ruushka oo ka soo baxay aagga mas’uuliyaddooda ama xadkooda,” ayaa lagu yiri bayaanka, isagoo intaa ku daray in ay sameynayeen duulimaad ku saabsan badda Baltic. Waxay intaas ku dartay in diyaaraddu aysan ku xad gudbin hawada Poland.
Wadamada Yurub ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu ka dambeeyay shilalkii ugu dambeeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku soo xadgudbay hawadooda, balse Moscow ayaa beenisay sheegashadaas.
Xiisada ayaa kor u kacday kadib dhacdo 9-kii Sebtember ah oo ilaa 20 diyaaradood oo aan duuliye lahayn ay u soo gudbeen hawada dalka Poland, xilli ay duqaymo ba’an ku hayeen dalka Ukraine, taasoo keentay in diyaaradaha NATO ay si wadajir ah uga qayb qaataan roondo ay si wadajir ah u sameynayaan ciidamada Poland.
Wadamada kale ee NATO ee gobolka, oo ay ku jiraan wadamada Baltic-ga ee Lithuania, Latvia, iyo Estonia, ayaa soo sheegay duullaan la mid ah kawa hada laga hadlay ee hawada.


