Sahan Media Muqdisho: 15 qof oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka ayaa gaaray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Dadka la soo tarxiilay ayaa laga dajiyay caasimadda Kinshasa habeenimadii Khamiista ilaa Jimcihii, taasoo qayb ka ahayd heshiis dhexmaray Maraykanka iyo DRC.
“Kooxda koowaad, oo ay ku jiraan toddobo haween ah, waxay ka kooban yihiin muwaadiniin ka soo jeeda Peru iyo Ecuador,”
Qareenka Mareykanka Alma David oo u doodaya mid ka mid ah dadka la soo tarxiilay ayaa sheegtay in dadka la soo tarxiilay ay dhamaantood ka soo jeedaan Laatiin Ameerika, dowladda Congona ay qorsheyneyso in muddo kooban lagu sii hayo dalkaasi.
Wasaaradda Isgaarsiinta ee DRC ayaa ku dhawaaqday horraantii bishan in ay si ku meel gaar ah u aqbali doonto muhaajiriinta laga soo tarxiilay Mareykanka.
Waxa ay sheegtay in Washington ay bixin doonto kharashaadka ku baxaya, iyo in meel u dhow Kinshasa la diyaariyay tas-hiilaad loogu talagalay in lagu dejiyo.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in DRC lagu wado in todobaadkan loo soo tarxiilo in ka badan 30 qof. Muhaajiriinta kale ayaa la filayaa inay koox koox u yimaadaan qiyaas 50 bishii, wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedyo.
Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay in DRC ay ka codsatay hay’adda Qaramada Midoobay in gargaar bini’aadantinimo lala soo gaaro muhaajiriintaasi.
Wadamada kale ee Afrika, oo ay ku jiraan Ghana, Rwanda, South Sudan iyo Uganda, ayaa sidoo kale aqbalay muhaajiriin laga soo tarxiilay Mareykanka.
Siyaasadda Mareykanka ayaa waxaa dhaleeceyn uga timid kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ee ku aadan sharci ahaanshaha in dadka loo soo tarxiilo wadamo aysan u dhalan ayna la kulmi karaan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Xaaladaha qaarkood, dadka la tarxiilay ayaa markii dambe dib loogu celiyay dalalkoodii inkastoo ay ilaalin sharci ah ka heleen maxkamadaha Mareykanka si aysan taasi dhicin.
Maamulka Trump ayaa loo malaynayaa in uu ugu yaraan 40 milyan oo doolar ku kharash gareeyey in lagu masaafuriyo ku dhawaad 300 oo muhaajiriin ah ilaa dhammaadka Janaayo, sida lagu sheegay warbixin uu xisbiga Dimuqraadigu ka soo ururiyey guddiga xiriirka dibadda ee senetka Maraykanka. Waddamada ayaa helay lacag isku mar ah oo u dhaxaysa $4.7m ilaa $7.5m si loo qaabilo dadka la tarxiilay.


