Google search engine
HomeWararka MaantaReer galbeedka oo garwaaqsaday in la aqoonsado Dowlad ay leedahay Falastiin

Reer galbeedka oo garwaaqsaday in la aqoonsado Dowlad ay leedahay Falastiin

sahan media Muqdisho: Dowladaha reer galbeedka ayaa garwaaqsaday in la gaaray xilligii la aqoonsan lahaa dawlad ay leedahay Falastiin, dawladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa caddeeyay mowqifkooda ku´aadan aqoonsigan.

waxyar kadib markii uu soo baxay mowqifka wadamadan waawayn, waxaa ka falciyay dowladda Israa´il oo ku tilmaantay wax aan suurta gal ahayn in la aqoonsado dowlad ay leedahay Falastiin. Wasiirka gaashaandhigga Ingiriiska Grant Shapps oo ka fal celinayay jawaabta Israel ayaa yiri “Hadallada ka soo yeeray Raisalwasaaraha Israel ee diidmada qaranimada Falastiin in ay tahay kuwo niyadjab leh, wuxuuna sii raaciyay dowladda Ingiriisku waxa ay dooneysaa in la dajiyo khilaafka Israel iyo Falastiin oo ay noqdaan laba dal oo daris ah”

Dhanka kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa ku celceliyay in qofkasta uu aqoonsado xaqa ay dawladda Falastiiniyiinta u leeyihiin in ay dhistaan dowladooda “haddii uu sii socdo iska hor imaadyada Israel iyi Falastiin waxay halis ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka iyo in ay dhiirrrigalin u noqoto xagjiriinta adduunka” ayuu ku soo xiray hadalkiisa”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments