Sahan media Muqdisho:Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guda jira dagaalkiisa diblomaasiyadeed ayaa maanta gaaray magaalada Doha ee wadanka Qatar, madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labada wadan la yeelan doona Amiirka wadanka Qadar Amiir Tamiim Bin Xamad.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Hamad waxaa ku soo dhaweeyay Agaasimaha Waaxda Hab maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ibraahim Bin Yuusuf Fakhro, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali.
madaxweyne xasan sheekh ayaa ka soo duulay dalka Masar oo uu ku joogay booqasho martiqaad ah uu ka helay madaxweynaha dalka Masar Abdifitaah Alsisi.