Google search engine
HomeWararka MaantaBannaanbixii ugu horreeyay ee looga soo horjeedo damaca Itobiya oo ka dhacay...

Bannaanbixii ugu horreeyay ee looga soo horjeedo damaca Itobiya oo ka dhacay London

Sahan media Muqdisho: Banaanbax wayn ayaa ka dhacay magaalada London maalintii sabtida oo ku beegneyd 20/01/2024, banaanbaxan oo u jeedkiisu ahaa diidmada heshiis beenaadkii Somaliland iyo Itobiya ayaa ka dhacay fagaare ka soo horjeeda Safaaradda dowladda Itobiya ay ku leedahay magaalada London.

Dadkii ka soo qayb galay banaanbaxaas oo ka kala yimid gobollada ay soomaalidu ku badan tahay ee Ingiriiska ayaa ku qaylinayay hadallo ay ka mid yihiin“Diidnay damaca Itobiya ee baddeenna, beec ma’aha badda Somaaliya iyo Soomaaliya somaali ayaa leh.

masuuliyiintii banaanbaxaas hogaaminaysay waxaa ka mid ahaa Ruqia Yalaxow oo la hadashay Sahan media(diaspora Tv Muqdisho ) ayaa tiri maanta waxaan isugu soo baxnay in aan ka dhiidhinno damaca Itobiya ee dhulkeenna iyo heshiisbeenaadkii ay la saxiixdeen Somaaliland.

Qabanqaabiyayaasha banaanbaxan oo khudbad Dheere ka jeediyay fagaaraha ka soo horjeeda Safaradda Itobiya ee London ayaa uga mahad celiyay walaalaha Soomaaliyeed sida ay isu soo xilqaameen iyo waqtiga ay siiyeen imaanshaha banaanbaxan,waxayna ballan qaadeen in ay dib ugu soo Laban doonaan fagaarahan si ay dibad baxyo kale uga dhigaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments