Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha dib loo doortey ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu waddaa in la caleema-saaro maalinta khamiista ah oo ku beegan 25-ka Janaayo, 2025 halkaas oo qorshuhu yahay in ay kasoo wada muuqdaan qaar kamid ah hormuudka siyaasada Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu kamid yahay hogaamiyeyaasha ka soo muuqan doona caleema-saarka isla markaana hadal-jeedinta ka sameyn doona.
warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya suurtagalnimada in ay yimaadaan wafdi Itobiyaan ah annagoo og in Madaxweyne Xasan ku sheegay dawladda Itobiya dal cadow ah.
Sikastaba ha ahaatee waxaa si weyn isha loogu hayaa natiijada kasoo bixi doonta wadahadalada ay Garowe ku yeelan doonan madaxweyne xasan iyo Siciid Deni.