Sahan Media Muqdisho: Mohamed Mubaarak oo ka soo shaqeeyay dalka Yémen hadana ahaa madaxa howlgalada amni iyo tababarka ee dowladda Imaaraadka u jooga Soomaaliya ayaa ka mid noqday saraakiishii ku geeriyootay weerarkii xerada Gordon.
Wasaaradda Gaashaandhiga Imaaraadka ayaa xaqiijisay in falkan looga dilay saddex sarkaal iyo mid kale oo u dhashay Baxreyn. Hase ahaatee, masoo hadal-qaadin tiradda kale ee dhaawacantay kuwaasoo tobanaan kale ah.
Mazrouei oo muddo dheer kamid ahaa mukhaabaraadka Imaaraadka ayaa waxa uu ku magacaaban yahay Lataliye Sarre oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca UAE. Hase ahaatee, waxa uu sidoo kale qabtaa howlo kale oo qarsoodi ah.
Sida ay xaqiijinayaan dadka sida aadka ah u yaqaano, Al Mazrouei ayaa sidoo kale waxa uu maamulayay mashruuca ciidamadda calooshood-u-shaqeysteyaasha ee Imaaraadka uu ka hirgeliyay gudaha waddanka Yemen.
Toogashada Al Mazrouei ayaa dad badan waxay dib u xasuusinaysaa dilkii madixii shirkadda Imaaraatka ee DP World ee Puntland, Paul Anthony Farmosa kaasoo Boosaaso ka dhacay February 4, 2019.