Google search engine
HomeWararka MaantaFaahfaahin ka soo baxaysa Saraakiil Imaaraadka iyo Baxrayn lagu dilay Muqdisho

Faahfaahin ka soo baxaysa Saraakiil Imaaraadka iyo Baxrayn lagu dilay Muqdisho

Sahan media Muqdisho: Weerar toogasho ah oo ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee General Goordan ee magaalada Muqdisho ayay ku dhinteen saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay oo u kala dhashay Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, halka sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen saraakiil kale.

Dawladda Soomaaliya illaa hadda faahfaahin badan kama bixinin, khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana isla goobtii lagu dilay askarigii ka dambeeyey weerarkan toogashada ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay weerarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaanku inay sameeyaan baaris degdeg ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan lagu qaaday xeerada General Goordan ee magaalada Muqdisho.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaaraysay weerarkan. Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay, in weerarkan lagu dilay saddex ka mida ciidamada dalkooda iyo weliba sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada dalka Baxrayn, kuwaas oo ahaa macalimiin tababarayey ciidamada Soomaaliya.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay baaritaanka weerarkan argagixiso ay si dhow ugala shaqaynayaan dawladda Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments