Sahan media Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ugu tagay saraakiishii ku dhaawacantay xerada tababarka ciidamada Imaaraadka ee Muqdisho ayaa ka tacsiyeeyay heer Ida ku timid saraakiishaas.
Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Dowladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faray laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadaas.
“Dawladda iyo Shacabka walaalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in askarigii falkaas geystay goor dambe lagu dilay israsaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii uu la tababartay ee masuulka ka ahaa amniga xerada.