Google search engine
HomeWararka MaantaXasan Sheekh oo kulan wadatashi ah la qaatay culumada Soomaaliyeed

Xasan Sheekh oo kulan wadatashi ah la qaatay culumada Soomaaliyeed

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suuban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxuu xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suuban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Clidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments